Xiddigaha kooxda Man United oo ku soo laabtay Ingiriiska kaddib markii ay u gudbeen 16-ka Europa League… + SAWIRRO

(Manchester) 23 Feb 2017 – Xiddigaha kooxda Manchester United ayaa ku soo laabtay dalka Ingiriiska, kaddib markii ay guul 1-0 ka soo gaareen naadiga Saint-Etienne oo booqdeen, isla markaana ay iska xaadiriyeen wareegga 16-ka Europa League.

Man United ayaa lugtii hore oo ay garoonkeeda Old Trafford kula dheeshay Saint-Etienne u saxariirisay saddex goo loo uu ka dhaliyey Zlatan Ibrahimovic, iyadoo lugtii labaad ee ay u martiyeenna ay uga soo adkaadeen 1-0 qeybtii hore ee ciyaarta uu u dhaliyey Henrikh Mkhitaryan.

Xiddigaha Man United waaba ay doonayeen inay deg deg ku soo laabtaan maadaama uu sugayo kulanka kama dambaysta ah ee EFL Cup oo ay Axadda la ciyaari doonaan Southampton.

Xalay sadaqii dhexe ayey ka soo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Manchester Airport, waxaana safarkoodu uu ahaa midka raaxada ee lagu dhex hurdi karo, waxaana caddayn kuugu filan waxa ay wateen barkimaha lagu hurdo xilliga safarka, Jose Mourinho ayaana barkintiisa siiyey mid ka mid ah taageerayaashii Manchester ee safray.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close