Santi Cazorla oo aan markale garoon u soo gali doonin Arsenal xiliciyaareed kan

(London) 23 Feb 2017 Kooxda Arsenal ayaa helaysa war naxdin leh kadib markii la baahiyay in Santi Cazorla uusan markale dib cagta u soo dhigi doonin garoomada.

Cazorla ayaa ka maqan garoomada tan iyo bishii October ee sanadkii tagay markaas oo uu ku dhaawacmay kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Champions League kulan Arsenal ay la ciyaartay kooxda Ludogorets.

32 jirkaan ayaa qaliin lagu sameeyay bishii December, Arsene Wenger ayaana sheegay inuu filayo in Cazorla uu dib u soo laaban doono ka hor dhamaadka xiliciyaareed kan.

Laakiin BBC Sport ayaa daaha ka qaaday in Santi Cazorla uusan cag soo dhigi doonin garoomada inta ka harsan xiliciyaareed kan maadama ay ku adagtahay inuu xili hore ka soo kabsado dhaawiciisa.

Cazorla ayaa indhaha ku haaya inuu dib ugu soo laabto garoomada bisha August ee sanadkaan markaas oo uu bilaabanayo xiliciyaareedka dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close