Raphael Varane oo ku dhaawacmay ciyaartii xalay ee Valencia iyo Real Madrid

16933874_10212062647583254_2095176_n

(Madrid) 23 Feb 2017   – Daafaca kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Faransiiska ee Raphael Varane ayaa ku dhaawacmay ciyaartii xalay kooxdiisu guuldarrada 2-1 kala kulantay Valencia ee ka tirsanayd Horyaalka La ligaha Spain.

Varane ayaa beddel lagu sameeyay qaybtii dambe ee ciyaarta markii uu ka dhaawacmay muruqa, waxaana sida saxaafadda Spain tilmaamayso laga yaabaa inuu garoommada ka maqnaado ugu yaraan 3 toddobaad.

Ciyaaryahan Varane ayay u ahayd habeen aan qurux badneyn, iyadoo uu lug ku lahaa labadii gool ee Valencia ka dhalisay Real, halka mar uu wejiga ka haraatiyay ciyaaryahan Gaya uu ku muteystay kaarka huruudka ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close