Philippe Coutinho oo maanta la guddoonsiiyey abaal-marintii Samba Gold ee uu ku garaacay Neymar

Philippe-Coutinho-Wins-Samba-dOr-Trophy

(Liverpool) 23 Feb 2017 – Ciyaaryahanka kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa maanta la guddoonsiyey abaal-marinta Samba Gold ee xiddiga ugu fiican Brazil ciyaartoyda ka ciyaarta qaarada Yurub.

Kubbad abuuraha Liverpool Coutinho ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay in loo caleemo saaro laacibka ugu fiican Brazil ee xiddigaha ka ciyaara qaaradda Yurub, waxaana uu abaal-marinta ku guuleystay bishii December laakiin maanta ayaa gacanta loo geliyey.

Sannad fiican ayay u ahayd ciyaaryahan Coutinho sanadkii la soo dhaafay isagoo 18 gool u dhaliyay kooxdiisa iyo wadankiisa, waxaana uu ku biirayaa xiddigo waa wayn sida oo ay ka mid yihiin Kaka, Thiago Silva iyo Neymar Jr oo abaal-marintaan ku guuleystay.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan ogaado in sanadkii la soo dhaafay ay dad badan i aqoonsadeen, sanad muhiim ah ayuu ii ahaa, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysto abaal-marintaan” ayuu yiri Coutinho oo 24-sano jir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close