Maxaa ka jira in Dani Alves uu isku dayay inuu dib ugu soo laabto Barcelona suuqii Janaayo?

(Barcelona) 23 Feb 2017 Dani Alves ayaa weeraray kooxdiisii hore ee Barcelona isbuucii hore markaas oo uu ku tilmaamay inay tahay koox aan u muujin ixtiraamkii uu u qalmay.

Alves ayaa sheegay in qadarin fiican uusan kala kulmin Barcelona sidaas darteedna uu go’aansaday inuu katago kooxda reer Spain isaga oo sidoo kale dhaleeceyn u jeediyay saxaafada dalkaas.

Mundo Deportivo ayaase baahisay in Dani Alves uu diyaar u ahaa inuu dib ugu soo laabto Barcelona suuqii janaayo kadib markii uu la qabsan waayay nolosha magaalada Torino ee dalka talyaaniga.

Sababta ayaa lagu sheegay in Alves ilmihiisu ay ku noolyihiin magaalada Barcelona iyaga iyo hooyadood taas oo ku riixaysay inuu dib ugu soo laabto Barcelona.

Laakiin maamulka Barcelona ayaa u sheegay wakiilka Alves in laacibku uu isagu doortay ka tagista kooxda isla markaana uu dhaawac qabo sidaas darteedna aysan diyaar u ahayn inuu dib u soo laabto

Dani Alves ayaa xalay dhaliyay mid kamid ah 2-dii gool ee Juventus ay uga adkaatay kooxda FC Porto lugta hore ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close