Kooxda Juventus oo noqotay kooxda 2-aad ee ugu dhibco badan Yurub

(Torino) 23 Feb 2017 – Juventus ayaa xawaare ku socota dhanka qiimaynta UEFA ee kooxaha lagu kala saaro natiijada iyadoo fasalkan weli socda kaalinta 2-aad ku jirta, iyadoo ay kaliya ka sarreeyso kooxda Atletico Madrid.

Guushii ay xalay 2-0 ugasoo adkaadeen FC Porto, oo aanay jirin koox gurigeeda ku garaacday tan iyo Abriil 2016, waxay gayaysiisey inay hal lug la galaan wareegga rubuc-dhamaadka Champions League.

Waxay taasi sidoo kale Bianconeri u ogolaatay inay ku dallacaan kala sarreeynta qiimaynta UEFA ee loo yaqaanno UEFA club ranking oo ay kaalinta 2-aad ku joogto 23.383 dhibcood.

Atletico Madrid ayaa fasalkan ugu dhibco badan iyadoo shaqaysatay 23.914 dhibcood, balse Juventus ayaa haatan ka sara martay Real Madrid oo taagan 22.914 iyo Paris Saint-Germain oo leh 22.283.

Markii la eego guud ahaan qiimaynta guud oo aan sanadkan lagu koobin, waxay kooxda Juventus ku jirtaa kaalinta 5-aad, iyadoo ay kaliya ka sarreeyaan afarta kooxood ee Real Madrid, Bayern Munich, Barcelona iyo Atletico Madrid.

Foto Fabio Ferrari - LaPresse 02 10 2012 Torino ( Italia ) Juventus Fc  vs FC Shakhtar Donetsk - Champions League 2012-2013 - Stadio Nuovo della Juventus. Nella foto:Formazione della juventus photo Fabio Ferrari - LaPresse 02 10 2012 Turin ( Italy ) Juventus Fc  vs FC Shakhtar Donetsk - Champions League 2012-2013 - New stadium of Juventus. in the pic:Juventus team
Foto Fabio Ferrari – LaPresse
02 10 2012 Torino ( Italia )
Juventus Fc vs FC Shakhtar Donetsk – Champions League 2012-2013 – Stadio Nuovo della Juventus.
Nella foto:Formazione della juventus
photo Fabio Ferrari – LaPresse
02 10 2012 Turin ( Italy )
Juventus Fc vs FC Shakhtar Donetsk – Champions League 2012-2013 – New stadium of Juventus.
in the pic:Juventus team

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close