Kooxaha Barcelona iyo Arsenal oo kala qeybsaday xiddigihii ugu bandhigga xumaa kulamadii lugta hore ee 16-ka Champions League

wtotw-tease_19xrdro2e0jak12cosuu0ir625

(Yurub) 23 Feb 2017 – Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa qalinka u qaadatay oo shax ka sameysay kooxdii ugu xumayd lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.

Kulamada lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League ayaa xalay la soo gabagabeeyay, iyadoo goolal cajiib ah iyo natiijooyin yaab leh ay ka soo baxeen, waxaana shaxda kooxda ugu xun lugta hore ee 16-ka Champions League hoggaaminaya wiilasha MSN la isku yiraahdo ee ka tirsan Barcelona Messi, Suarez iyo Neymar.

Sidoo kale kooxda ugu xun lugta hore ee 16-ka Champions League waxaa kala qeybsaday kooxaha Barcelona iyo Arsenal kuwaasoo kulamada lugta hore ee Koobka horyaallada Yurub xasuuq ba’an loo gaystay, waxaana Barca ay ku yeelatay shaxdan 5 ciyaaryahan, halka Gunners ay ku leedahay 6 ciyaaryahan.

11-ka ciyaaryahan ee ugu bandhigga xumaa kulamadii lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League halkaan hoose ka eeg:-

ars-team_17b1e9qyyy1cj1rvzc2alnxzmc

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close