Aguero, Di Maria iyo Toni Kroos oo hoggaaminaya shax laga sameeyey kooxdii ugu bandhigga fiicnayd lugta hore ee 16-ka Champions League

gfx-info-champions-league-last-16-team-of-the-round-_1ptyrz912mk111u6xzlssxgwss

(Yurub) 23 Feb 2017 – Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa qalinka u qaadatay oo shax ka sameysay kooxdii ugu fiicnayd lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.

Kulamada lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League ayaa xalay la soo gabagabeeyay, iyadoo goolal cajiib ah iyo natiijooyin yaab leh ay ka soo baxeen, waxaana shaxda kooxda ugu fiican lugta hore ee 16-ka Champions League hoggaaminaya Aguero, Di Maria iyo Toni Kroos.

Real Madrid ayaa shaxdan xiddigaha ugu badan ku yeelatay waana 3 ciyaaryahan, halka kooxaha Bayern Munich, Manchester City iyo Juventus ay yeesheen min 2 xiddig, waxaana dhammaystiraya Benfica oo ku yeelatay goolhaye Ederson iyo PSG oo ku leh Angel Di Maria.

11-ka ciyaaryahan ee ugu bandhigga fiicnaa kulamadii lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League halkaan hoose ka eeg:-

gfx-info-champions-league-last-16-team-of-the-round-full-team_1kt9ov4op7wj5ztnqsu4zkjow

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close