”Waa ii sharaf inaan xirto funaanadda xulka qaranka Talyaaniga” – Moise Kean

(Torino) 22 Feb 2017 – Laacibka soo baxaya ee Juventus ee Moise Kean ayaa ka hadlay sida “sharaf” ugu tahay inuu xirto funaanadda xulka Talyaaniga isagoo sheegay inuu “ku riyoonayo ku guulaysiga Koobka Adduunka.”

Kean ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ee dhashay 2000 oo saftay horyaalka Serie A iyo Champions League oo uu Juve ku meteley fasal-ciyaareedkan.

Wuxuu 17-jirsan doonaa daba-yaaqada bishan wuxuuna horraanba saamayn ballaaran ugu yeeshay xulka Talyaaniga ee 17-jirrada oo uu u dhaliyay 5 gool 12 kulan.

“Sharaf bay ii tahay inaan xirto funaanadda Talyaaniga. Waxaan ku dhashay kuna barbaaray halkan, riyadayduna waa ku guulaysiga Koobka Adduunka,” ayuu yiri Kean oo la hadlayay Sky Sport Italia.

Kean ayaa ku dhashay magaalada woqooyiga ku taalla ee Torino isagoo asal ahaan kasoo jeeda Ivory Coast.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close