Ivan Rakitic oo heshiis la gaaray kooxdiisa Barcelona

(Barcelona) 22 Feb 2017 Laacibka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Ivan Rakitic ayaa heshiis la gaaray maamulka kooxdiisa kaas oo ku aadan inuu heshiis cusub u saxiixo.

Wargayska Sport ayaa baahiyay in wakiilka Ivan Rakitic iyo maamulka kooxda Barcelona ay isla meel dhigeen in laacibka uu saxiixo heshiis cusub kadib wadahadalo socday mudo bil ah.

Ivan Rakitic ayaana isku diyaarinaya inuu qalinka ugu duugo kooxdiisa Barcelona heshiis 4-sano ah oo ku eg ilaa 2021.

ivan-rakitic

Wararka ayaa intaa ku daraya in Barcelona ay shaacin doonto heshiis kordhinta laacibka reer Croatia bartamaha bisha nagu soo aadan ee Maarso.

Juventus iyo kooxo badan oo ka ciyaara Premier League ayaa si wayn u doonayay saxiixa Ivan Rakitic kaas oo go’aansaday inuu sii joogo Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close