Franck Kessie oo jac ku dhejiyay Roma, Chelsea & Arsenal!….”Waxaan ku riyoodaa Man Utd!”

(Bergamo) 22 Feb 2017 – Xiddigga kusoo baxaya kooxda Atalanta ee Franck Kessie ayaa biyo qaboow ku sayray wararkii la xiriirinayay kooxda AS Roma, isagoo leh “Waxaan jeclaan lahaa Premier League riyadayduna waa Manchester United.”

Laacibkan caalamiga ah ee Ivory Coast oo khadka dhexe ka dheela ayaa horraanba waxaa €30m ugu raadinayay kooxaha Chelsea iyo Arsenal xilligii suuq-jiilaalka.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu qarka u saarnaa ku biirista kooxda AS Roma taasoo markii dambe loo bedeley inuu xagaaga ka gadan yahay Giallorossi.

“Wax war kama maqal Roma, maaddaama aan ku maqnaa koobka Africa Cup of Nations oo aan diiradda saarayay koobkaas,” ayuu Kessie u sheegay Tuttomercatoweb mar uu ka hadlayay kulan iidheh oo ku qabsoomay Atalanta Store.

“Waan jeclahay Premier League gaar ahaan Manchester United, waa naadi aan ku riyoonayay inaan u ciyaaro. Chelsea? Lafteedu waa naadi wayn, balse waxaan ku riyoodaa United.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close