Aguero oo ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man City kadib goolashii uu dhaliyay xalay

(Manchester) 22 Feb 2017 Weerar yahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kadib goolashii uu xalay ka dhaliyay kooxda Monaco.

Manchester City ayaa 5-3 uga adkaatay dhigeeda AS Monaco oo marti ugu ahayd garoonka Etihad, Aguero ayaana dhaliyay laba kamid ah goolasha kooxdiisa.

Aguero ayaa sheegay in niyad ahaan uu jecel yahay inuu iska sii joogo kooxdiisa balse wax walba ay noqon doonaan wax ku xiran tababare Guardiola dhamaadka xiliciyaareed kan.

Weerar yahanka reer Argentina ayaa keydka looga soo tagay intabadan kulamadii Man City ay ciyaartay bishii hore markaas oo kooxdu ay soo iibsatay Gabriel Jesus kaas oo haatan dhaawac ku maqan.

“Xaqiiqda ayaa ah in arimahaas ay yihiin wax ku jira gacanta tababaraha, waxa kaliya ee aan awoodo inaan qabto waa inaan sii wado dagaalka si aan fursad ugu helo inaan ciyaaro” ayuu yiri Aguero.

“Nasiib wanaag Guardiola waa uu igu tiirsanyahay, haatan waa inaan caawiyaa kooxda waana inaan soo muujiyaa waxa aan qaban karo, marwalba waxaan iraahdaa waxaan doonayaa inaan sii joogo kooxdaan”.

“Go’aanka dhamaadka xiliciyaareed kan ma ahan mid ku jira gacantayda, arimahaas waa wax u yaala kooxda laakiin niyad ahaan waxaan jeclahay inaan sii joogo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close