Adam Lallana oo ogolaaday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Liverpool

(Liverpool) 22 Feb 2017 Kooxda Liverpool ayaa helaysa war wanaagsan kadib markii la baahiyay in Adam Lallana uu ogolaaday inuu kooxda u saxiixo heshiis cusub.

28 jirkaan reer ingiriis ayaa ku qaadanaya garoonka Anfield xiliciyaareed cajiib ah, maamulka kooxda ayaana go’aansaday inay ku abaal mariyaan qandaraas cusub.

Telegraph ayaa baahisay in Adam Lallana uu qalinka ugu duugi doono Liverpool heshiis 3 -sano ah iyada oo kooxdu ay ku darsan karto sanad 4-aad.

Adam Lallana ayaa kor loo qaadi doonaa mushaarkiisa, wuxuuna isbuucii qaadan doonaa aduun dhan 110 kun oo Ginni, warbaahinta qaar ayaase qoraya in mushaarkiisu uu gaari karo 150 kun oo Ginni isbuucii.

Wakiilka Adam Lallana iyo maamulka kooxda Liverpool ayaa hormar ka sameeyay wadahadaladii u socday, waxaana la filayaa in laacibku uu saxiixo heshiiskaan cusub 24-ka saac ee nagu soo aadan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close