Suso oo qandaraas cusub loo bandhigayo jeer mushaarkiisa la jibbaarayo!

(Milano) 21 Feb 2017 – Laacibka Jesús Joaquín Fernández Sáenz de la Torre, oo loo yaqaanno Suso ayaa wada xaajood qandaraaskiisa lagu dheereeynayo la bilaabay kooxda AC Milan iyadoo lagu wado in qandaraaskiisa la gaarsiiyo bisha Juun 2021 iyadoo la siin doono mushahar laba jibaar ka badan midkiisa haatan.

Laacibkan garab-weerarka ah ayaa bishii Jannaayo ee 2015 Liverpool kaga soo wareegey lacag yar oo dhan €1.3m oo qura, wuxuuna fasalkan ka mid yahay laacibiinta ay ku taagan tahay Milan isagoo dhaliyay 6 gool, 7 goolna dhigay 25 kulan oo uu saftay Serie A.

Qandaraaskiisa haatan ee San Siro ayaa ku eg Juun 2019, isagoo sanadkii qaata €1m oo qura, balse sida uu sheegayo Sky Sport Italia, milkiilayaasha cusub ee AC Milan la wareegaya ee Chinese-ka ah ayaa doonaya in qandaraaskiisa la gaarsiiyo Juun 2021.

Laacibkan reer Spain ee 23-jirka ah ayaa loo bandhigayaa €2.5m oo euro, waloow aan heshiiskan lasoo bandhigi doonin kahor 3-da bisha Maarso oo ah marka loo asteeyay inuu dhoco heshiiska iibka AC Milan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close