Macluumaad ku saabsan 3-da kooxood ee ugu goolasha badan horyaalka Talyaaniga

(Roma) 21 Jan 2017 – Waxaa meel xasaasi ah maraya horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo waloow ay weli 7 dhibcood ku hor kacayso kooxda Juventus misna woxoogaa ka adag intii hore.

Haddaba waa kuwee kooxaha dhaliyay goolasha ugu badan? Aan kasoo qabano 3-da ugu sarreeysa oo kala ah SSC Napoli, AS Roma iyo hoggaamiyayaasha Juventus FC.

Kooxda Napoli oo 1-aad ku jirta waxay ilaa haatan dhalisay 60 gool, taasoo markii loo qaybiyo ciyaaraha ay ilaa haatan soo dheeshey ka dhigan 2-4 gool ciyaartiiba marka la celceliyo.

Kooxda AS Roma ayaa dhalisay 54 gool, taasoo ka dhigan 2.16 gool ciyaartiiba, halka Juventus oo 3-aad taalla 53 gool ay ka dhigan tahay sidii taayoo ay ciyaartiiba dhalinayay 2.12 celcelis ahaan.

b6

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close