Kooxaha Ciidanka qalabka sida ee Heegan iyo Horseed oo guulo ka gaaray Dekedda iyo Waxool

GOO

(Mauqdisho) 21 Feb 2017.Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa si xiiso leh ugu soconaya garoomada Koonis iyo Jaamacadaha oo ku yaala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Galabta waxaa la ciyaaray laba kullan, iyadoo ay guulo soo gaareen kooxaha ciidanka qalabka sida ee Heegan iyo Horseed.

Heegan ayaa kullan xiiso badan garoonka Koonis kula ciyaartay naadiga Waxool, iyadoo ugu badisay 2-0, xilli goolasha ay ka  heshay Ekoro Matias iyo Jabriil Xasan Fariid.

Sidoo kale Horseed ayaa iyana 2-1 uga badisay naadiga Dekedda, waxaana goolasha u dhaliyay Owako iyo Nuune.

Sikastaba Horseed ayaa soo tiigsatay booska saddexaad, halka Heegan ay ku jirto kaalinta lixaad kala sareynta horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close