Donnarumma oo ka mid noqday 3-da goolwale ee ugu kubad badbaadinta badan Serie A

(Milano) 21 Feb 2017 – Waxaa lasoo saaray xog ku saabsan 3-daa qabte ama gool-haye ee ugu kubad badbaadinta badan horyaalka Talyaaniga fasal-ciyaareedka haatan soconaya.

Goolwalaha muluqa ah ee soo baxaya ee goolka u ilaaliya AC Milan ee Gigio Donnarumma ayaa kaalinta 3-aad galay isagoo ay ka horreeyaan dhiggiisa Alex Cordaz oo ah 34 jir goolka u ilaaliya Crotone oo 1-aad ah iyo Łukasz Skorupski oo ah 25 jir kubadda u qabta Empoli.

Donarumma oo sanadkii tegey soo shaac baxay kaddib markii goolka AC Milan lagu aaminay isagoo 16 jir ah ayaa maalinba maalinta ka dambaysa kasoo raynaya iyadoo ay dadku sheegayaan inuu noqon doono bedelka waqtiga dheer ee halyeeyga Gianluigi Buffon.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close