Luis Enrique oo ka xumaaday orintii taageerayaasha Barcelona ay xalay ku oriyeen Andre Gomes

(Barcelona) 20 Feb 2017 Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa ka xumaaday falkii taageerayaasha kooxdiisu ay xalay kula keceen laacibka reer Portugal ee Andre Gomes.

Luis Enrique ayaa sheegay inuu fahmi karo sababta ka danbaysa carada taageerayaasha kooxdiisa, balse wuxuu ugu baaqay in hab dhaqanka nuucaas ah uu yahay mid aan caawinayn ciyaaryahanka.

Barcelona ayaa xalay 2-1 uga adkaatay kooxda Leganes, taageerayaasha ayaana ku oriyay Andre Gomes xili uu ka sii baxayay garoonka.

إنريكي: لاعبو برشلونة ليسوا بحاجة للصافرات الآن

“Ciyaartoydu waxay u baahanyihiin caawinta taageerayaasha, ma fahmi karo orintaas mana rumaysni inay tahay wado fiican, taageeruhu xaq ayuu u leeyahay inuu ra’yigiisa ku muujiyo sida uu u arko inay ku haboontahay” ayuu yiri tababare Luis Enrique.

“Waan fahmi karaa eedeynta la ii soo jeedinayo, waxaan ahay tababare waana qaadanayaa eedeyn walba kadib guul daradii PSG”.

“Ciyaartoydu marwalba waxay u baahanyihiin inay ku jiraan xaalad fiican, orintu ma ahan mid caawinaysa iyaga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close