“Lucas Perez wuxuu doonayaa inuu katago Arsenal” – Wakiilkiisa oo hadlay

(London) 20 Feb 2017 Wakiilka weerar yahanka kooxda Arsenal ee Lucas Perez ayaa sheegay in laacibka reer Spain uu doonayo inuu katago Arsenal.

Lucas Perez ayaa ka soo dhaqaaqay suuqii xaggaaga kooxda Deportivo laakiin tababare Wenger ayaan siinin wax fursad ah si uu boos uga helo kooxda.

Rodrigo Fernandez Llovelle oo ah wakiilka Perez ayaa si cad u sheegay in laacibku uu doonayo inuu katago Arsenal si uu u raadsado koox uu ka heli karo boos joogto ah.

“Fiiri, xaqiiqda ayaa ah in Lucas Perez uu doonayo inuu katago Arsenal wax walba oo ay ku qaadato, kuma faraxsana Arsenal” ayuu yiri Rodrigo Fernandez Llovelle.

“Lama qabsan, fursad uma helin inuu ciyaaro si uu u soo bandhigo waxa uu qaban karo, Lucas waa uu bixi doonaa waayo wax fursad ah kama uusan helin Wenger, wuxuu doonayaa inuu baxo oo uu ku biiro koox wayn oo ah sida Arsenal”.

Perez ayaa lala xiriiriyay kooxaha AC.Milan iyo Everton oo ku tartamaya saxiixiisa sida laga soo xigtay wakiilkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close