Cesc Fabregas oo bixiyay QISH wayn oo ku aadan inuu sii joogayo Chelsea

cesc

(London) 20 Feb 2017. Kubbad qaabeeyaha reer Spain ee kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa bixiyay qish wayn inuu sii joogayo Blues kaddib markii lagu soo bilaabay kulankiisii 100-aad ee kooxda reer London kulankii FA Cup ay 2-0 uga adkaadeen Wolves.

Waxaa sare u sii kacayay qiyaas fikradeedka laga qabo in Fabregas uu isaga tagayo Chelsea xagaagan kaddib markii uu boos joogta ah ka waayay Conte laakiin waxay iminka u muuqataa inuu kooxda sii joogayo kaddib markii uu LIKE saaray war u dhacayay inuu 100 kulan oo kale u safanayo Blues.

“100 kulan oo la igu soo bilaabay Chelsea.” Cesc ayaa sidaa ku soo qoray boggiisa Instagram.

Waxaa durba u soo hambalyeeyay xiddigaha Chelsea uu ugu horreeyay Kabtan John Terry, balse Fabregas ayaa like saaray Comment laga soo bixiyay qoraalkii uu soo dhigay kaa oo u dhacayay:

cesc

“Ma sugi karo ugu yaraan 100 kulan oo kale oo Chelsea u safato,”. Arrinkaan ayaana laga dhadhaminayaa in Fabregas uu doonayo inuu kooxda la sii joogo xagaaga soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close