Todobaadyadan oo muhim u ah iibka AC Milan (Imisa ayaa loo qoondeeyay suuq-xagaaga?)

(Milano) 06 Jan 2017 – Weriyaha caanka ah ee ciyaaraha wax ka qora ee Pasquale Campopiano oo la hadlayay idaacadda TMW Radio ayaa ka hadlay warar la xiriira iibka AC Milan oo loo qabtay 3-da Maarso balse ay saxaafadda Talyaanigu beryahanba hadal haysay inuu soo hormari doono oo uu dhici doono Jimcaha soo aaddan 10-ka Febraayo.

Saxiixa iibka: “Waa todobaad muhim ah, taageerayaashu woxoogaa way walaaceen markii la qabtay 3-da Maarso, balse Chinese-ku way dadaalayaan iyagoo wax kasta dhaqaajinaya si saxiixa kama dambayska ihi uu u dhoco. Waxaa dhici doona kulan u dhexeeya Fassone iyo Fininvest kaasoo dhici kara 15-ka“.

Kharashka suuqa kala iibsiga: “Waxay ii xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow wada xaajoodyada in Fininvest la siin doono 320 milyan oo u dhiman iyo 100 milyan oo loogu tala galay kharashaadka ku baxay adeegyada kooxda ilaa 1-da Luulyo sanadkii tegey, iyo 140 milyan oo euro oo loogu tala galay suuq-xagaaga“.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close