Robert Lewandowksi oo loo magacaabay Xidiggii Sanadka Poland 2016

Robert

(Munich) 06 Feb 2017 – Xidigga kooxda Bayern Munich iyo xulka Poland ee Robert Lewandowksi ayaa loo magacaabay abaalmarinta laacibkii ugu fiicnaa Poland sanadkii dhammaaday ee 2016.

Robert Lewandowksi ayaa abaal-marinta ciyaaryahanka sadka Poland loo magacaabay markii lixaad oo xiriir ah.

Weeraryahanka Bayern Munich ayaa kula guuleystay kooxdiisa Bundesliga, German Cup iyo German Supercup, halka sidoo kale uu xulkiisa  Poland ka caawiyey inay gaaraan wareegga 16-ka koobka qaramada Yurub ee EURO 2016.

28-sano jirkaan ayaa 47 gool u dhaliyey xulkiisa Poland iyo kooxdiisa Bayern Munich guud ahaan sanadka oo ay ku jiraan saddex saddexleey ama (hat-tricks).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close