RASMI: Garsooraha dhex-dhexaadin doona kulanka final-ka League Cup ee dhex mari doona kooxaha Man United iyo Southampton oo la shaaciyey

andre-marriner_1m35hfny224gs1u40dw5fnpzpb

(London) 06 Feb 2017 – Garsoore Andre Marriner ayaa loo magacaabay inuu dhex-dhexaadiye ka noqdo kulanka final-ka EFL Cup ee dhex mari doona bishaan kooxaha Manchester United iyo Southampton.

Marriner oo 46 sano jir ah waxaa kulanka 26-ka bishaan Febraayo ka dhici doona garoonka xulka qaranka Ingiriiska ee Wembley caawiyeyaal ama calan hayeyaal u noqon doona Richard West iyo Stuart Burt, halka garsooraha Premier League ee Kevin Friend loo magacaabay sarkaalka afaraad ee kulankan.

Garsoorahan ku dhashay Birmingham ayaa u soo dalacay Premier League sanadkii 2004, waxaana uu dhex-dhexaadiyey kulankii Final-ka FA Cup ee sanadkii 2013-kii dhexmaray kooxaha Manchester City iyo Wigan Athletic.

Garsoore Marriner waxa uu bixiyey 92 kaar oo kuwa digniinta ah (Jaalle) iyo shan kaarka cas 24 kulan oo uu dhex-dhexaadiyey tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close