”Nicola Rizzoli ma aha garsoore dulqaad leh” – Massimo Moratti

(Milano) 06 Feb 2017 – Massimo Moratti ayaa ku doodaya in Nicola Rizzoli uusan “sida cad dulqaad lahayn” kulankii Derby d’Italia balse wuxuu sheegay inuu dhanka kale ku kalsoon yahay in Inter ay usoo bixi karto Champions League.

Kulankii fiidkii Axadda ayaa waxaa isku helay kooxaha xafiiltama ee Inter iyo Juventus kaasoo ay ka dhasheen qisooyin aan kubadda shuqul ku lahayn sida roosadii Ivan Perisic oo la sheegay inuu af-xumeeyay garsooraha iyadoo markii dambe 1-0 lagu diray Nerazzurri.

“Rizzoli sida cad dulqaad ma lahayn,” ayuu yiri madaxwaynihii hore ee Beneamata oo u warramay Premium Sport.

“Barbarro ayay ciyaartani ku fiicnayn, balse kooxda Pioli weli way gaari kartaa Champions League.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close