Mauro Icardi iyo Ivan Perisic oo min 2 kulan laga ganaaxey

(Roma) 06 Jan 2017 – Waxaa min laba kulan oo ganaax ah gorodda loo geliyay laacibiinta reer Inter Milan ee Mauro Icardi iyo Ivan Perisic kaddib qaaquullooyinkii ka dhacay kulankii Juve vs Inter.

Perisic ayaa garoonka laga eryey daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta waxaana Lega Serie A sheegaysaa inay ka mamnuuceen laba kulan kaddib markii uu “si ku celcelis ah u aflagaadeeyay garsooraha.”

Waloow aan roose la siinin, waxaa isna Icardi loo jaray 2 kulan kaddib markii lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay garsoore Rissoli, kabtanka  Nerazzurri ayaa sidoo kale kubad ku laaday jihada garsooraha.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close