”Ciyaartii xalay waxay ”iidheh qurxoon” u ahayd horyaalka Talyaaniga” – Carlo Tavecchio

(Roma) 06 Feb 2017 – Guddoonka Xiriirka K/ Cagta Talyaaniga ee FIGC jaalle Carlo Tavecchio ayaa amaanay kulankii xalay ee Derby d’Italia oo u dhexeeyay Juventus iyo Inter Milan oo uu ku tilmaamay “iidheh qurxoon” oo sharaf u yeelaysa horyaalkeenna”.

Kulan dab ahaa ayaa xalay ku qabsoomay magaalada Torino, kaasoo lagu kala baxay gool madi ahaa oo uu saxiixay garab-weerarka xeesha badan ee Juan Cuadrado oo goolka Inter ku xaday mar ay sii hamaansanayeen daqiiqadihii gelinkii hore ee ciyaarta.

Yeelkeede, waloow ay dheceen is ku dhacyo iyo muran, misna wuxuu kaabbaha Tavecchio door biday inuu dhanka wanaagsan ka eego isagoo sheegay inay labada kooxiba soo bandhigeen ciyaar tayo leh oo qurux badan.

“Waxay ii dheh qurux badan u ahayd kubadda cagteenna, waxayna qiime ku kordhisey horyaalkeenna Serie A,” ayuu ku yiri Premium Sport.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close