Cameroon oo noqday xulkii ugu dambeeyay ee u soo baxa Fifa Confederations Cup 2017…(Xulal waa wayn oo qoorta loo suray)

cameron

(World) 06 Feb 2017. Xulka Cameroon ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay ee u soo baxa koobka Confederations Cup 2017, kaddib markii ay xalay koobka Qaramada Afrika ka qaadeen xulka Masar.

Mohammed Elneny ayaa hogaanka u dhiibay Masar laakiin waxaa goolkiisa u sarifay Nicolas N’Koulou iyo Vincent Aboubakar qeybtii labaad ee dheesha.

Cameroon ayaa haddaba Confederations Cup 2017 ku wajihi doonta oo ay ku group noqotay xulka ku soo guuleystay koobka adduunka ee Jarmalka iyo xulkii soo qaaday Laatiin America ee Chile iyo waliba xulka Australia oo ay ka wada tirsan yihiin Group B.

Xulka ka soo jeeda qaarada Madoow ayaa kulankooda ugu horreeya la yeelan doona xulka Chile oo ay kula ciyaari doonaan gegada the Spartak Stadium, Moscow June 18.

m

Afar maalmood kaddib waxay wajihi doonaan xulka Australia oo ay kula ciyaari doonaan St. Petersburg ka hor inta aysan Sochi kula ciyaarin xulka Jarmalka 25-ka bisha June ee 2017.

Cameroon ayaa kaalinta labaad ee Confederations Cup galay sanadkii 2003 kolkaa uu ka geeriyooday laacibkooda Marc Vivien Foe, waxayna iminka eeganayaan inay noqdaan xulkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda qaarada Afrika ee ku guuleysta koobkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close