Anthony Martial oo ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Paris Saint-Germain

OBk4A7kA

(Manchester) 06 Feb 2017 – Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Anthony Martial  ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray wararka la xiriirinaya inuu ka tagayo kooxdiisa.

Warbaahinta ciyaaraha wax ka qorta gaar ahaan wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska ayaa intooda badan waxa ay maanta daabaceen in laacibka reer France ee Anthony Martial uu ku sii jeedo PSG.

Waxa ay sheegeen inuu Anthony Martial isaga tagi doono kooxdiisa Man United, kaddib markii uu boos joogto ah ka waayey kooxdiisa tan iyo kulankii ay 4-0 kaga adkaadeen Wigan Athletic ee FA Cup.

Markii uu warkaasi soo baxay kaddib Martial ayaa niyadda u dejiyey taageerayaasha Man United waxaana uu sidoo kale niyad jabiyey kooxda Paris Saint-Germain.

21-sano jirkaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Ha dhegaysan wargeysyada, waa qalad, mahadsanid soo soco Man United.”

Martial ayaa dhaliyay 6 gool 22 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan u saftay kooxdiisa Man United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close