SERIE A: Kooxda AC Milan oo guuldarro kala kulantay Sampdoria…+ SAWIRRO

(Milano) 05 Feb 2017 – Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa guuldarro 1-0 kala kulantay naadiga Sampdoria, kulan ka tirsan horyaalka Serie A oo ay ku soo dhowaysay garoonkeeda.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta AC Milan ayaa laga dhaliyey goolka looga adkaaday.

Goolka madiga ah ee lagu maray Milan oo mininkeeda joogta waxa uu ahaa gool ku laad laga dhaliyey 70’daqiiqo.

Difaaca Milan ee Gabriel Paletta ayaa qalad ku galay Fabio Quagliarella oo ku jira xerada ganaaxa Milan, waxaana rigoorada loo dhigay kooxda Sampdoria gool u rogay Luis Muriel, waana goolka kaliya ee looga adkaaday kooxda ku ciyaarta San Siro.

Dhammaadkii ciyaarta kooxda AC Milan waxaa kaarka cas ka qaatay Jose Sosa, kaddib markii uu muteystay labo kaar oo kuwa digniinta ah, waxaana Milan oo lumisay saddex dhibcood kulankan ay fadhisaa kaalinta 8-aad iyadoo leh 37-dhibcood.

SAWIRRO:

C35jcL1XUAAPsP0

C35qs72W8AEpMXn

C35t4hVXAAIXpCY

C356HWaXAAANt7w

milan

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close