Gabriel Jesus oo ka hadlay shaqsigii ka danbeeyay ku biiridiisa Man City

(Manchester) 05 Feb 2017 Weerar yahanka cusub ee kooxda Man City Gabriel Jesus ayaa ka hadlay shaqsigii ka danbeeyay ku biiridiisa kooxdiisa cusub.

19 jirkaan reer Brazil ayaa ku soo biiray Manchester City suuqii janaayo inkasta oo kooxdu ay dhamaystirtay heshiiskiisa suuqii ka horeeyay ee xaggaaga.

Gabriel Jesus ayaa sheegay in tababare Pep Guardiola uu ahaa shaqsigii ka danbeeyay inuu u soo dhaqaaqo magaalada Manchester kadib markii uu ka soo wacay taleefankiisa.

“Wicitaankii Pep Guardiola ayaa si wayn u go’aamiyay go’aankii aan ugu soo dhaqaaqay Manchester City” ayuu yiri Gabriel Jesus.

“Waa uu ila soo xiriiray wuxuuna igala hadlay mashruuciisa, wuxuuna ii cadeeyay inaan door fiican ka ciyaari doono mashruuciisa cusub, sidaas darteed Pep saamayn wayn ayuu igu lahaa”.

“Kooxo badan ayaa doonayay saxiixayga laakiin Guardiola waa tababaraha kaliya ee ila soo xiriiray, wuxuu ii soo muujiyay sida uu u doonayo inaan ku soo biiro kooxda iyo inaan u imaanayo si aan isaga u caawiyo isla markaana aan noqonayo laacib uu ku tiirsanyahay”.

“Sidaa darteed aad ayaan u faraxsanaa, waxaanan go’aansaday inaan ku biiro Manchester City”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close