EPL: Manchester United oo guul ka soo gaartay Leicester City oo ay booqatay, iyadoo xiddigo kale duwan ay goolal u soo dhaliyeen… + SAWIRRO

(Leicester) 05 Feb 2017 – Manchester United ayaa guul ka soo gaartay kooxda xafidanaysa horyaalka Ingiriiska ee Leicester City oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka Premier League, iyadoo saddex xiddig oo kale duwan ay goolal u soo dhaliyeen United kulankan.

Man United ayaa labada gool ee hore la timid shantii daqiiqo ee ugu dambaysay qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo kulanku ku socday in qeybta hore lagu kala nasto barbaro goolal la’aan ah.

Henrik Mkhitaryan ayaa goolka hore ee Man United ahliyey 42’daqiiqo, kaddib markii kubbad uu soo madaxeeyey Chris Smalling uu inta dhinac ka dhigtay mid ka mid ah xiddigaha Leicester, xawaare sare ku orday, isla markaana shabaqa gaarsiiyey kubbada, 1-0 ayayna Man United ciyaarta ku hoggaamisay.

Markale Man United ayaa goolka labaad ee kulanka la timid inta aan la aadin qeybta nasashada, waxaana kubbad uu dadab ka soo baasay Antonio Valencia, si wacan u dhammaystiray 44’daqiiqo Zlatan Ibrahimovic oo ku jiray xerada ganaaxa, kulanka ayaana lagu kala nastay 2-0 looga gacan sarreeyey Leicester City.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man United ayaa la timid goolka saddexaad waxaana u dhaliyey 49’daqiiqo Juan Mata, kaddib caawin uu ka helay Henrik Mkhitaryan kooxda dawacooyinka lagu naanayso ayaana 3-0 lagu hoggaamiyey.

Manchester United ayaa fadhisa kaalinta lixaad ee Premier League iyadoo leh 45-dhibcood, waxaana ay hal dhicib oo qura ka dambaysaa naadiga kaalinta shanaad ku jirta haatan ee Liverpool.

SAWIRRO:

C36okSxWYAElRdM

C36ol2UW8AEeDkA

C36ondEWcAAEF60

C36ophDWAAUfY3u

C36xtiGWcAAagKA

C36zRcsWIAEqmbK

C361Wy-WYAIWiQ4

C362m3WWEAMk9i3

C362mh0WIAA6h6A

C362oo_XUAAHmkX

C362qAzWQAAvgDL

C362tCSWEAEZh2y

C3613sCWAAAHBnY

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close