EPL: Kooxda Man City oo degtay kaalinta saddexaad ee horyaalka kaddib guul ay ka gaartay Swasea City, xilli labo jeer uu shabaqa soo taabtay Gabriel Jesus …+ SAWIRRO

(Milano) 05 Feb 2017 – Kooxda Manchester City ayaa guul soo daahday ka gaartay naadiga Swansea City kulan ka tirsan Premier League, waxaana ay soo dageen kaalinta saddexdaad ee kala sarreynta horyaalka, iyadoo Gabriel Jesus uu sii wado bandhiggiisa cajiibka ah labo jeerna shabaqa soo taabtay.

Manchester City ayaa goolka la horreysay waxaana 11’daqiiqo u dhaliyey Gabriel Jesus, kaddib markii uu si wacan u dhammaystiray kubbad uu garab kala soo xarooday oo uu dibadda soo dhigay Silva, islamarkaana uu ku guuldarreystay inuu dhaliyo Raheem Sterling, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey Swansea City.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Swansea City ayaa la timid goolka barbaraha waxaa 81’daqiiqo kubbad uu ka laaday bannaanka xerada ganaaxa iyadoo joog hoose ku socota shabaqa gaarsiiyey Gylfi Sigurdsson, kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-1.

90-kii daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galay ayaa soo dhammaaday waxaana lagu kordhiyey afar daqiiqo intii lagu guda jiray daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta ee waqti daayaca ayay Man City la timid goolka ay guusha ku qaateen waxaana markale u dhaliyey Gabriel Jesus, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 looga adkaaday kooxda Swansea City.

Manchester City guushaan waxa uga dhigan tahay wax wayn maxaa yeelay waxa ay soo dageen kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyagoo leh 49-dhibcood, hal dhicib oo qurana ka dambeeya kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Tottenham, halka Arsenal ay sal dhigatay booskii ay jeclayd ee afaraad.

SAWIRRO:

C36APnzWIAIXrW-

C36V9XLXUAQuGFI

C36V-7EWYAE7wM8

C36V-6SWMAMxXS_

C36V-6oW8AAp4dG

C3598p6WQAAaNmS

C36IGXgWIAEo87G

C36HXNTWYAALPbs

C36GTT2WcAIcybt

C36GOkAWYAA4NFc

C36GNupXAAI3lul

C36CfvXXAAM56eQ

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close