Zidane oo u digay Celta Vigo: Horyaalku waa uu ka duwanyahay Copa del Rey”

(Madrid) 04 Feb 2017 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa u digay kooxda Celta Vigo oo isbuucyo ka hor ka soo reebtay koobka boqorka Spain.

Zinedine Zidane ayaa u sheegay kooxda Celta Vigo oo habeen dambe ay u martin doonaan inaysan ku kadsoomin guushii ay kaga gaareen koobka boqorka Spain.

Wuxuuna intaa ku daray inay ogaadaan in horyaalku uu ka duwanyahay Copa del Rey, wuxuuna sii raaciyay in Real ay u ciyaari doonaan ciyaartoy ka duwan kuwii uu kala hortagay kulankii koobka boqorka Spain.

“Horyaaku waa uu ka duwanyahay Copa del Rey, inkasta oo aan ku ciyaari doono isla falsafadeenii hore, laakiin ciyaartoyda ayaa kala duwanaan doona” ayuu yiri Zinedine Zidane.

“Hogaanka ayaan u haynaa horyaalka, waana inaan soo muujinaa sababta ay tahay inaan hogaanka u hayno horyaalka”.

“Dhamaan kulamadu waa kuwo adag, culayskuna waa uu ku badanayaa koox walba oo haysa hogaanka isla markaana doonaysa inay sii haysato, si buuxda ayaan diyaar ugu nahay inaan ciyaarno kulankaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close