“Waa inaan dabaal dagnaa” – Antonio Conte oo ka hadlay guushii ay ka gaareen Arsenal

(London) 04 Feb 2017 Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ka hadlay guushii galabta kooxdiisu ay ka gaartay dhigeeda Arsenal.

Kooxda tababare Conte ayaa 3-1 uga adkaatay Arsenal, wuxuuna ku booriyay ciyaartoydiisa inay dabaal dagaan kadibna ay u diyaar garoobaan kulanka xiga.

“Wuxuu ahaa kulan muhiim ah, waxaan rumaysanahay in Arsenal ay ka midtahay 6-kooxood oo u tartami kara horyaalka ilaa dhamaadka xiliciyaareedka, inaad 12-dhibic ka saramarto waa arin muhiim ah” ayuu yiri Conte.

“4-maalin gudahood ayaan ciyaarnay laba kulan oo waa wayn oo aan ka hortagnay kooxo waa wayn, waxaan rumaysanahay inaan soo muujinay sida aan ugu qalano inaan hayno hogaanka horyaalka”.

“14-kulan ayaa hartay oo ay tahay inaan ciyaarno iyo 42-dhibic oo aan dartood u ciyaari doono, muhiim ayeey noo ahayd maanta inaan ka adkaano koox si toos ah noogula tartamasay horyaalka”.

“Waxaa haboon inaan dabaal dagno, laakiin kadib waa inaan u diyaar garownaa kulanka xiga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close