RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii Premier League ee kooxda Hull City ay guusha ka gaartay Liverpool… (Reds oo guul gaari la’ 2017!)

Lal

(Hull) 04 Feb 2017 – Kooxda kubadda cagta Hull City ayaa guul 2-0 ka gaartay naadiga Liverpool oo marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka Premier League, rajadii Reds ee ahayd inay hanato horyaalka ayaana ah haatan mid ceel-dheer ku sii dhacaysa.

Labada gool ee looga adkaaday Liverpool, waxaa labadii qeybood ee ciyaarta u kala dhaliyey Hull City xiddigaheeda Alfred N’Diaye iyo Baye Oumar Niasse.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Kooxda Liverpool ayaan wali guul gaarin kulan horyaalka Premier League ah sanadkan 2017.

>- Liverpool ayaa guul gaartay hal kulan 10-kii kulan ee ay ciyaartay tartammada oo dhan ilaa iyo haatan 2017, guushaas qurana waxa ay ka gaareen naadiga heerka hoose ee Plymouth.

>- Tani waxa ay ahayd guuldarradii ugu horreysay ee Sadio Mane ka soo gaartay horyaalka isagoo ka tirsan kooxda Liverpool sanadkan 2017.

>- Hull City ayaa badisay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Liverpool kula ciyaareen gurigooda.

>- Kooxda Reds ayaa kaliya badisay labo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay iska horyimaadeen kooxda Hull City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close