RIKOODHADII laga diiwaan geliyey guushii ay kooxda Barcelona ka gaartay Athletic Bilbao ee La Liga

C31NDBrW8AA9mA0

(Barceona) 04 Feb 2017 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul 3-0 ka gaartay naadiga Athletic Bilbao oo marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain.

Saddexda gool ee ay kooxda Barcelona ku badisay kulankan waxaa u kala dhaliyey 18’daqiiqo Francisco Alcacer, 40’daqiiqo Lionel Messi iyo 67’daqiiqo Aleix Vidal.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Barcelona ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee shanta horyaal ee ugu waa wayn qaaradda Yurub ka dhalisa 100 gool tartammada oo dhan 2016/17.

C31iApcW8AQyqJL

>- Lionel Messi ayaa noqday xiddiga ugu dhaliska badan laadadka xorta ah (free-kicks) taariikhda kooxda Barcelona, waxaana uu dhaliyey 27 bulusoon, isagoo ka sare maray Ronald Koeman oo hadda tababare u ah kooxda Everton, kaasoo Barca u dhaliyey 26 laadadka xorta ah.

>- Paco Alcacer ayaa goolkiisii ugu horreeyey horyaalka La Liga u dhaliyey kooxdiisa Barcelona, kaddib 11 kulan oo uu u saftay ololahan.

>- Goolkii ugu dambeeyey oo uu horyaalka La Ligaha Spain ka dhaliyo Paco Alcacer waxa uu ahaa toban bilood ka hor, waxaana uu ka dhaliyey kooxda Getafe 24 bishii April sanadkii 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close