LA LIGA: Kooxda Barcelona oo hal dhicib u jirsatay Real Madrid, kaddib guul ay ka gaartay Athletic Bilbao… + SAWIRRO

(Barcelona) 04 Feb 2017 – Kooxda Barcelona ayaa guul 3-0 ka gaartay naadiga Athletic Bilbao oo ay soo dhowaysay kulan ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain, waxaana ay hal dhibicin u jirsatay naadiga haatan hoggaanka horyaalka u haysa ee Real Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa goolka hore ka heshay 18’daqiiqo Francisco Alcacer, kaddib caawin uu ka helay Neymar.

Goolka labaad ee Barcelona ayaana yimid inta aan la aadin qeybta nasashada, waxaana 40’daqiiqo laad xor ah (free-kick) ugu dhaliyey Lionel Messi, sidaas ayaana lagu kala nastay Barca oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 2-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Barcelona oo marti loo ahaa ayaa la timid goolka saddexaad ee ciyaarta waxaana ku soo xiray 67’daqiiqo Aleix Vidal, kulankii ka dhacay garoonka Camp Nou ayaana ku soo dhammaaday 3-0 oo ay ku adkaatay kooxda Barcelona.

Barcelona oo hadda ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka ayaa leh 45-dhibcood, waxaana ah hal dhicib u jirsatay Real Madrid oo labo kulan gacanta ku haysata taasoo hadda hoggaanka horyaalka ku haysa 46-dhibcood.

SAWIRRO:

C31LHaqWcAImx1k

C31YeqsXAAMpJhY

C31VoYOWYAcFpY9

C31UKZpWAAQVSF4

C31RNYAW8AAyU7I

C31P1TYWcAEyBME

C31NDBrW8AA9mA0

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close