EPL: Kooxda Hull City oo garaacday Liverpool oo marti u ahayd iyo kulamadii kale ee la ciyaaray horyaalka… + SAWIRRO

(London) 04 Feb 2017 – Kooxda kubadda cagta Hull City ayaa guuldarro dusha u soo saartay Liverpool oo marti u ahayd kulan ka tirsan horyaalka Premier League, waxaana ay uga soo adkaatay 2-0.

Liverpool ayaa goolka looga naxsaday qeybtii hore ee ciyaarta waxaana kubbad gees laad laga soo tuuray 44’daqiiqo lugta dhammaystiray Alfred N’Diaye, kooxda Hull City oo 1-0 ciyaarta ku hoggaaminaysa ayaana la kala nastay.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Liverpool ay isku dayo badan oo ay ku doonaysay inay goolka ku barbareyso samaysay laakiin Hull City ayaa u muuqatay mid goolkeeda difaacanaysay isla markaana gaadaysay kubadaha daba maraynta ah.

Waxaa yimid goolkii labaad ee kooxda Hull City, waxaana ugu shubay Liverpool kubbad daba-marayn ahayd 84’daqiiqo Baye Oumar Niasse, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 lagu soo dubtay wiilasha macallin Klopp.

Liverpool ayaa iska sii fadhin doonta kaalinteeda afaraad iyadoo 46-dhibcood la wadaagta naadiga Manchester City oo ku jirta kaalinta shanaad taasoo berri la ciyaari doonta kooxda Swansea City.

Kulamadii kale ee ciyaartay horyaalka Premier League:-

Crystal Palace 0 – 4 Sunderland

Everton 6 – 3 AFC Bournemouth

Southampton 1 – 3 West Ham United

Watford 2 – 1 Burnley

West Bromwich Albion 1 – 0 Stoke City

SAWIRRO:

C31R3WlXUAYJWk4

C31R3WpWMAA7tHo

C31R3WpWQAAIjip

C31gqHEWIAA6sCk

C31gqHFXAAM1BEE

C31gqHIWcAACbX_

C31gqHIWYAIDLp-

C31R3WpWQAAIjip

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close