AFCON 2017: Xulka Burkina Faso oo garaacay Ghana, kuna soo baxay kaalinta saddexaad ee koobka qaramada Afrika

2018522-42365927-2560-1440

(Libreville) 05 Feb 2017 – Xulka Burkina Faso ayaa ku soo baxay kaalinta saddexaad ee koobka qaramada Afrika kaddib guul 1-0 oo ay ka gaareen dhiggooda Ghana.

Qeybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa dhammaadkii dheesha goolka ay guusha ku qaateen la yimid xulka Burkina Faso.

Goolka madiga ah ee ay xulka Burkina Faso ku mareen dhiggooda Ghana waxaa u dhaliyey 88’daqiiqo Alain Traore, waxaana uu ahaa laad xor ah oo uu ka soo tuuray meel dadab ka ah xerada ganaaxa, 1-0 ayaana lagu dubtay xulka Ghana.

Xulka Burkina Faso waxaa soo reebtay Egypt oo gool ku laadyo uga soo badiyay kulankii afar dhammaadka tartankan, halka Ghana 2-0 guuldarro ah ay kala kulantay Cameroon.

Kulanka kama dambaysta (Final-ka) tartankan waxaa la ciyaari doonaa Axadda, waxaana isku qaban doona xulalka Egypt iyo Cameroon.

hi-res-1591acc142865e13899a12df62676443_crop_north

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close