Isco oo go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa Real Madrid

(Madrid) 03 Feb 2017 Kubadd abuuraha kooxda Real Madrid ee Isco ayaa la soo sheegayaa inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Isco ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo kooxda Real Madrid tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay 2013 kooxdiisii hore ee Malaga.

Barnaamijka Jugones oo si gaar ah diirada loogu saaro suuqa kala iibsiga ee kooxaha Spain ayaa lagu sheegay in Isco uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Real Madrid.

Qandaraaska Isco ee Real Madrid ayaa dhacaya 2018, laacib kaan ayaana qorshaynaya inuu ka tago kooxa tababare Zidane dhamaadka xiliciyaareed kan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Isco sidoo kale uu ka caraysanyahay maamulka Real oo inbadan dib u dhigay heshiis kordhintiisa xili kooxdu ay heshiis cusub ka saxiixday Bale, Ronaldo, Modric, Kroos iyo Lucas Vazquez.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close