UEFA oo 150 Milyan u qaybisay kooxihii ciyaartoydoodu ka qayb galeen koobkii Euro 2016

f9f15513116e4850708b97257249393a

(Zurich), 02 Feb 2017   –Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub ee UEFA ayaa lacag gaaraysa 150 Milyan oo Euro ($162.18 milyan) u qaybisay kooxihii ciyaartoydoodu ka qayb gashay Koobkii Qarammada Yurub 2016 ee lagu qabtay Faransiiska.

Warbixin ka soo baxday Xiriirka UEFA ayaa lagu qeexamy in 54 xul oo oo ciyaartoydoodu ka kala yimaadeen 641 naadi ay ka faa’iideen dhaqaalahan lagu ceymiyay, waxaana kooxuhu u kala lacag bateen hadba sidii ciyaartoydoodu ugu kala badnaayeen safashada kulammadii is reeb-reebka Euro 2016 illaa dhammaadkii koobkaas.

Koox walba waxaa ay xaq u yeelatay 3,536 Euro halkii jeer ee ciyaaryahan ka tirsan xiddigeheedu uu ciyaaray kulan ka tirsan Euro 2016.

Kooxaha ugu badan ee lacagtan helay waxaa ugu horreysa Juventus oo heshay 3.48 Milyan oo Euro, waxaa xigtay Liverpool (3.39 milyan Euro) iyo Tottenham (3.07 Milyan).

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close