“Ma jiro hadal lagu sifayn karo wax qabadka Messi” – Luis Enrique

Image result for Luis Enrique and Messi

(Barcelona) 02 Feb 2017 Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa amaan dusha ka saaray laacibkiisa Lionel Messi kaas oo xalay ka caawiyay inay guul ka gaaraan kooxda Atletico Madrid.

Barcelona ayaa 2-1 uga adkaatay dhigeeda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa lugta hore ee Semi Final-ka koobka boqorka Spain.

Luis Enrique ayaa sheegay inuusan jirin hadal lagu tilmaami karo wax qabadka Messi, wuxuuna intaa ku daray inuu yahay laacib soo muuqda kulamada loo baahanyahay.

حتى في المباريات الكبيرة تجده حاضرًا

“Kulamadaan oo kale oo dadku ay wada sugayaan, marwalba Messi waa uu ka soo muuqdaa” ayuu yiri Luis Enrique kadib dhamaadkii ciyaarta.

“Ma jiro hadal aad awoodo inaad ku tilmaanto Messi, waxaan aragnaa fiicnaantiisa xitaa kulamada waa wayn” ayuu sii raaciyay

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close