Borussia Dortmund oo ka hadashay warkii ka soo baxay Aubameyang

كلماته الأخيرة لم ترق لمسؤولي النادي

(Dortmund) 02 Feb 2017 Kooxda Borussia Dortmund ayaa ka hadashay warkii ka soo baxay weerar yahankooda reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang.

27 jirkaan ayaa xaqiijiyay inuu isaga tagi doono kooxda reer Jarmal dhamaadka xiliciyaareed kan, wuxuuna diirada u saaranyahay Real Madrid, Man City iyo Chelsea.

Balse maamulka sare ee Borussia ayaa u sheegay laacib kaan inuu xooga saaro sidii uu kooxda ugu caawin lahaa u soo bixida Champions League isla markaana looga baahanyahay inuu yareeyo waraysiyada uu bixinayo ee ku aadan mustaqbalkiisa.

“Kulan gaaban ayaan la yeeshay Aubameyang, waxaan kula taliyay inuu yareeyo lahadalka saxaafada ee qorshooyinkiisa xaggaaga soo socda” ayuu yiri agaasimaha fulinta ee kooxda Borussia.

“Waa inuu xooga saaraa tartanka u soo bixida Champions League, xiriir fiican ayaan la leenahay isaga, laakiin waa inaan xooga saarnaa kaliya waxyaabaha quseeya kubadda cagta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close