Andres Iniesta oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda Barcelona

C3qe24DWIAMRSMO

(Barcelona), 02 Feb 2017   –Kabtanka kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa dib ugu soo laabtay tababarka naadigiisa maanta, waxaana uu ciyaari doonaa kulanka Sabtida ay Barcelona ‘Camp Nou’ kula dheeli doonto Athletic Bilbao.

Iniesta ayaa garoommada ka maqnaa tan iyo 19 Janaayo, kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii Barca iyo Sociedad ee Copa del Rey.

Barcelona horey uma shaacin inta uu garoommada ka maqnaan doono laacibkeedan Khadka dhexe, balse waxa uu seegay 4 kulan ciyaareed oo uu ka mid ahaa kulankii shalay ay 2-1 kaga adkaadeen kooxda Atletico Madrid lugtii hore ee Copa del Rey.

Iniesta oo 32 jir ah ayaa 3 jeer dhaawacmay xilli ciyaareedkan, waxaana ka mid ahaa mar uu Jilibka ka dhaawacmay bishii October ee la soo dhaafay isagoo markaa garoommada ka maqnaa 6 isbuuc.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close