Xiliciyaareedkii Bonaventura oo soo dhamaaday

(Milan) 01 Feb 2017 Kooxda AC.Milan ayaa si rasmi ah u shaacisay in laacibkeeda Giacomo Bonaventura uu soo dhamaaday rajadii uu kalahaa inuu ciyaaro markale xiliciyaareed kan.

Giacomo Bonaventura ayaa ku qasbanaaday inuu isaga baxo garoonka kulankii kooxdiisa looga adkaaday 2-1, xili uu ahaa dhaliyihii halka gool ee Milan.

AC.Milan ayaa daaha ka qaaday in Giacomo Bonaventura uu garoomada ka maqnaan doono mudo dhan 4-bilood kadib qaliin lagu sameeyay laacibka reer talyaani.

رسميًا | ميلان يعلن نهاية موسم بونافينتورا

“Milan waxay xaqiijinaysaa in Giacomo Bonaventura uu maray maanta oo arbaco ah qaliin, qaliinku wuxuu ahaa lagama maarmaan maadama laacibku uu qabay dhaawac xoogan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Milan.

“Waxaa la filayaa in laacibku uu maqnaado mudo dhan 4-bil, hadii aysan ku imaan culays kale” ayeey sii raacisay kooxda reer talyaani.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close