“Ronaldo wey dhaawacdaa foorida jamaahiirta”.

cristianoronaldo-cropped_1ujujs0s7veav12wudg1gpdffo

(Madrid) 01 Feb 2017. Cristiano Ronaldo dhaawac ayuu soo gaara marka ay jamaahiirta Santiago Bernabeu ay ku fooriyaan, sidaas waxaa yiri Keylor Navas.

Marka laga yimaado in uu ku baaqay midnimo iyo in la qadariyo dhaliyaha taariikhda Real Madrid ugu goolasha badan, xiddigaha afarta jeer hantay Ballon d’Orka waxaa lala beegsaday foori kulankiiay 3-0 uga badiyeen Real Sociedad.

Ronaldo waxaa dusha laga saaray bandhigyadii liitay ee Madrid iyada oo kulan badisay shantii ugu dambeeysay , waxa uu ku jeestay kuwa ku oorinayey kahor inta uusan foorida u badalin mashxarad kaddib markii uu sameeyey goolkii daah furka mida uu isaga dhaliyey.

“Waan sheegi kartaa in Cristano uu xaqiiqdii jecelyahay dhammaan jamaahiirta sida uuba sheegay Sergio Ramos,” ayuu ku yiri SER.

“Ma aha in uusan dan kalhayn marka ay ku oorinayaan. Wey dhaawacdaa markaay ku fooriyaan iyo marka ay u mashxaradaan laakiin wuuogyahay in jamaahiirta na garab taagan yihiin. Mar walba waxa uu isku dayaa in uu na caawiyo isaga oo dhalinaya goolasha.

“Waxyaabahan wey dhacaan. Ciyaaryahan cusub ayaan ahaa lamina yaabin.

“Marka jamaahiirta iyo ciyaaryahanada mideysan yihiin, kooxda mar walba wey xoogan tahay, marka jamaahiirta ay na garab taagan yihiin, sare ayey noo qaada  waana midda aan dooneyno.”

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close