Pablo Zabaleta oo amaanay weerar yahankooda cusub ee Gabriel Jesus

Image result for gabriel jesus Pablo Zabaleta

(Manchester) 01 Feb 2017 Daafaca kooxda Manchester City ee Pablo Zabaleta ayaa amaanay weerar yahanka cusub ee kooxdiisa ku soo biiray bishii janaayo ee Gabriel Jesus.

Zabaleta ayaa sheegay in Gabriel uusan lahayn tilmaamaha weerar yahanada ka ciyaara Premier League kuwaas oo lagu yaqaano xoog jir ahaaneed iyo dhirir.

Wuxuuna intaa ku daray in Gabriel Jesus uu yahay weerar yahan farsamo badan isla markaana dhibaato badan ku abuuri kara daafacyada horyaalka ingiriiska.

Image result for gabriel jesus Pablo Zabaleta

“Gabriel Jesus ma ahan weerar yahanada loogu talo galay Premier League kuwaas oo leh dhirir iyo awood jir ahaaneed oo xoogan” ayuu yiri Pablo Zabaleta.

“Waa mid dhaqaaq badan, waa weerar yahan sifiican ugu fiican kubadda, si wayn ayuu u shaqaynayaa xitaa marka uusan haysan kubadda”.

“Mararka qaar dhibaato ayuu kala kulmaa weerar yahanka cusub horyaalka ingiriiska, gaar ahaan hadii uu ka yimid koofurta ameerika”.

“Laakiin wax walba oo aan ku arkay tababarka waa mid bishaaro wadata, muhiimad uma arko awooda badan ee daafacyada horyaalka ingiriiska, wuxuu doonayaa inuu sameeyo qaab walba oo uu ku heli karo kubadda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close