Kooxdee Website-keeda loogu booqasho badnaa 2016?

kkkkkkkkkkkkkkkkkk

(Madrid) 01 Feb 2017. Real Madrid waa kooxda dunida Website-keeda loogu booqashada badan yahay marka ay timaado kuwa kubadda cagta sida lagu sheegay daraasad dhawaan la sameeyey.

Guusha ayaa u soo hooyatay Los Blancos kaddib ololihii wanaagsanaa ee soo maray 2015-16 iyada oo hanatay saddex koob oo dunida ah waxaana ka mida Champions League-ga.

Warbixin ay qortay A comScore waxa ay ku xaqiijisay in Real sanadii 2016 ay soo booqdeen 1,350,000 (Malyan iyo boqol iyo afar iyo tobban kun) oo qof, dadkanin maha kuwa soo noq noqdy ee wey kala duwan yihiin (Unique Visitors).

Waxaa ku soo dhaw Arsenal oo iyaduna ay soo booqdeen Milyan in ka yara badan.

Real sidoo kale waxa ay ka horreeysaa Barcelona oo ay soo booqdeen 852,000 (Sideed boqol iyo kunton kun).

Tiradii ugu badneyd ee booqashada Website-ka  Real Madrid waxa ay timid bilihii May iyo Sebtembar markaas oo ay ku kala guuleysteen Champions League-ga iyo Europian Super Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close