HORDHAC: Manchester United Vs. Hull City

Man-United-vs-Hull-Premier-League-Match-Preview-and-Prediction-1st-Feb-2017

(Manchester) 01 Feb 2017. Manchester United waxa ay fursad u heli doontaa in ay saddex dhibcood uun u jirsato kaalinta labaad hadii ay garaacdo Hull City.

Sidoo kale hadii ay caawa garaacaan Hull oo ay City kufto kulanka West Ham ee isla caawa dhacaya booska lixaad ayey ka bixi kartaa oo ay muddo ku jirtay.

Maxaa ka cusub Man United?

-Jose Mourinho waxa uu xaqiijiyey in uu Eric Bailly ciyaari doono marka laga yimaado in uu canqawga dhaawac ka soo gaaray kulan uu u saftay ciyaaryahanada 23jirada ka yar markii uu Africa ka yimi

-Manchester United badal badan ayuu ku sameeyey kooxdii 4-0 uga badisay Wigan waxa uuna dib ugu yeeri doonaa Carrick, De Gea, Pogba, Antonio Valencia iyo Zlatan Ibrahimovic

-Martial bandhig wacan ma sameyn kulankii Wigan balse gabagabadii laba caawin ayuu sameeey, Mourinho waxauu xaqiijiyey in uu keydka u dhici doono

-Luke Shaw isna dhabaha Martial ayuu mari doonaa iyada oo ay dheeli doonaan Bailly iyo Rojo

RAAD RAAC:

-Hull City 9kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga ee ay dibada ku soo dheeshay waa laga badiyey

-Man United wey ka badisay Hull shantii kulan ee ugu dambeeysay oo ay gurigeeda kula dheeshay dhammaan tartamada

-United 13kii kulan ee ugu dambeeyey Premier League-ga lagama badin

SAFAFKA LA FILI KARO

un

Gegida: Old Trafford

Saacadda Geeska Africa: 11Pm

Dhex dhexaadiyaha: Mike Jones

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close