EPL: Man City oo xaaqday kooxda West Ham, xilli Man United ay Old Trafford barbaro kula gashay Hull City… + SAWIRRO

(England) 02 Feb 2017 – Kulamo ka tirsan horyaalka Premier League ayaa la ciyaaray iyadoo kooxda Manchester City ay afar gool afka u galisay West Ham United oo ay booqatay, halka Manchester United ay garoonkeeda Old Trafford barbaro kula gashay naadiga Hull City.

Man City ayaa 4-0 uga soo badisay West Ham United oo ay booqatay, waxaana kooxda tababare Guardiola ay goolasha ka kala heshay Kevin de Bruyne, David Silva, Gabriel Jesus iyo Yaya Toure oo rigoore ku soo xiray.

Dhinaca kale kooxda Manchester United ayaa waji gabax kala kulantay naadiga Hull City oo marti ugu ahayd garoonkeeda Old Trafford, waxaana ku kala tageen barbaro goolal la’aan 0-0, si la mid ah kooxaha Stoke City iyo Everton oo barbaro 1-1 ku kala tagay.

Man City ayaa ku dhibco noqotay kooxda kaalinta afaraad ku jirta ee Liverpool, waxaana ay wadaagaan min 46-dhibcood, halka Man United ay iska sii fadhin doonto booska kaalinta lixaad iyadoo leh 42-dhibcood.

SAWIRRO:

C3m5uuwWIAIwnpf

C3m5uuzWIAINKZl

C3nFcuXWEAM6MhQ

C3nFcv-WMAAkT5J

C3nFcwEWcAQjml6

C3nGderXAAE2D66

C3nIv8qWAAQlD8M

C3nIv8tWYAIMdYz

C3nIv8yXAAcaKtH

C3nIv80WcAceLLN

C3nJcPFW8AEbwj3

C3nJcrqWYAA7x4v

C3nJmVIWcAUsgPj

C3nMsBUWYAIYg_c

C3nNCnKWYAIjFkB

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close